Borama News Network

Maxaa sababay in Madaxweynaha Masar uu Telefoonka ka qaban waayo Ra’iisul Wasaaraha Israaiil?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa telefoonka ka qaban waayay Ra’iisul Wasaaraha Israaiil kaddib markii khilaafka labada dhinac uu sii kordhay maalmihii u dambeeyay sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow labada Xafiis.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa la sheegay in sababta uu u wacay Madaxweyne Sisi ay tahay sidii loo dejin lahaa xiisadda labada dhinac oo aad usii xooggaysatay wixii ka dambeeyay dacwadda ka dhanka ah Israaiil balse ay isaga rogeen dhinaca Masar.

Waxaa intaas wehliya in Israaiil ay si toos ah Masar ugu eedaysay in hub ama qaraxyada ay adeegsanayaan iska caabbinta Falastiin laga soo gudbiyo Xadka Dalkaas uu la wadaago Dalka Falastiin sidaasna uu kusoo gaaro.

Masaarida ayaa iska fogaysay dhammaan eedaha dhinaca Israaiil uga yimid waxaana ay ku sheegeen hadalladaas in ay yihiin meel ka dhac lagu magac dilayo Dowladdooda ama ugu yaraan Israaiil ay doonayso in ay usoo tallaabto xadkooda.

Warbaahinta ugu fara-dhuuban arrimahaan ka taagan Bariga dhexe gaar ahaan kuwa ku hadla afka cibriga ee ay ku hadlaan Yuhuudda ayaa sheegay in waji kale uu galay dagaalka haddiiba Masar ay diiday in ay qabato am aka falceliso wicitaanka Netanyahu.

Related posts

” Heshiiska Somaliland dareen fara badan ayuu ka dhaliyey Aduunyada oo dhan” Wasiir Maxamed Kaahin.

Abdiaziz Bnnstaff

“Dawladda Xamar Ayaa Dishay Wiilkaygii Cabdinaasir”Aabaha dhalay Cabdinaasir Muuse Dahable

Tirada dadka ku dhaawacmay dhul gariir ka dhacay Taiwan oo dhaaftay 1,000 qof

Abdiaziz Bnnstaff