Turkiga Oo Walaac Ka Muujiyay Muranka Ka Taagan Doorashada Somaliya

Dowladda Turkiga oo kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda siyaasadeed ee Cakiran ee dalka iyo khilaafka la isku mari la’yahay ee ka taagan qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in Turkiga uu ka walaacsan yahay xaaladda ka dhalatay khilaafka ku hor gudban doorashada iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

Turkiga ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dhammaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada heshiis nabadeed ka gaaran doorashada oo wax kasta oo jira lagu dhammeeyo wada-hadal laguna shaqeeyo niyad wanaagsan.
Sidoo kale Turkiga ayaa Madaxda Soomaalida ugu baaqay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara rabshado, ayna madaxda dowlad Goboleedyada iyo kuwa Federaalka isugu yimaadan shir lagu xalinayo khilaafka ka dhex jira.

“Waxaan aaminsanahay in dadka Soomaaliyeed ee saaxiibtinimada iyo walaaltinimada leh ay leeyihiin rabitaan iyo biseyl siyaasadeed oo ay ku go’aansadaan mustaqbalkooda. Xaaladda jirta waxaan rajeyneynaa in is afgarad laga gaaro howlaha doorashada, iyadoo lagu saleynayo is-faham aan dib u dhac dambe ku imaan” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Khilaafka xoogan ayaa xiligaan waxaa uu ka taagan yahay qabsoomida doorashada dalka Soomaaliya oo aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin, hayeeshee waxaa socda dadaalo kala duwan oo Beesha Caalamka ku dooneyso in lagu xaliyo khilaafka doorashada.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ex Raysal Wasaare Kheyre Oo Raali-Gelin Buuxda C/Raxmaan C/Shakuur Ka Siiyay Weerarkii 2017

Bnnstaff Bnnstaff

Turkiga Oo Somaliya Iyo Kenya Ku Cadaadinaya In Ay Ka Wada Hadlaan Muranka Dhanka Badda

Bnnstaff Bnnstaff

Dr.Gaboose oo ka jawaabay Su’aalo la weydiiyey+Nuxurka Khudbad uu u jeediyey..

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More