Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed.
Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa uu ahaa mid ku aadan saalan iyo si xog-wareysi la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka iyo is marin waaga ka jira doorashada Soomaaliya.
Inta uu socday kulanka ayaa warar la helayo waxaa ay sheegayaan in Sheekh Shariif iyo Cali Guudlaawe ay isla soo hadal qaadeen rabshadihii maalmo kahor ka dhacay Muqdisho ee dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa taacad u ah Musharaxiinta.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif uu Cali Guudlaawe ka dalbaday inuu qeyb ka noqdo sidii loo xalin lahaa khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada, isla markaana uu weyn ka qaato badbaadinta dalka.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa habeen horey kulan la qaatay Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka wada hadlay xaaladda Cakiran ee dalka iyo sida lagu xalin karo iyo arrimo kale oo ku aadan deegaanka Maamulkaas.
Cali Guudlaawe ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com