Wafti Ka Socda Beesha Caalamka Oo Kulan La Yeelanaya Madaxwaynaha Maamulka Puntland

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa gaaray wafdi ka socda Beesha Caalamka oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Ujeedka wafdiga Beesha Caalamka ee Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii ay kulan gaar ah ula yeelan lahaayeen Madaxweynaha dowlad goboleedyada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoo kala hadli doona arrimo kala duwan
Xubnaha ka socda Beesha Caalamka ayaa Madaxweyne Saciid Deni kaal hadli doona xaaladda siyaasadeed ee xiligaan dalku marayo, khilaafka hareeyay doorashada iyo sidii uu uga qeyb geli lahaa shirka uu ku baaqay Farmaajo ee ka dhacaya Muqdisho.

Kulanka labada dhinac ayaa markii uu soo dhammaado waxaa la filayaa in Maamulka Puntland iyo Beesha Caalamka kasoo saaran War-saxaafadeedyo ku aadan qodobada la isla gartay.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland oo isbaheysi ah ayaa weli soo gaarin Magaalada Muqdisho, xili shalay Madaxweyne Farmaajo Xarunta Madaxtooyada ku shir guddoomiyay kulan hordhac u ah Shirka looga hadlayo khilaafka doorashada ee Muqdisho.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ciidamada Dalka Nigeria Oo Madaafiic Lagu Weeraray Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Amisom Oo Somaliya Keentay Ciidamo Cusub Oo Ka Qayb Qaadan Doona Amniga Doorashada

Bnnstaff Bnnstaff

Sirdoonada Dalalka Masar,Imaaraadka, Kenya Itoobiya,Qadar IyobEritrea Oo Ku Loolamaya Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More