Dab Khasaare Xoogan Gaystay Oo Ka Kacay Warshada Ku Taala Magaalada Baladwayne

Dab xoogan oo socday saacado xiriir ah ayaa waxaa habeenkii xalay aheyd uu ka kacay Warshad sameeysa Joodariyaasha ee ku taalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Dabka oo markii horey qeyb kamid ah ka kacay Xarunta Warshada ayaa markii dambe kusii faafay qeybo kale oo Xarunta ah, waxaana dabkaas uu socday saacado oo la isku dayay in la demiyo.

Dadka deegaanka iyo Maamulka Baladweyne oo sameeyay dadaalo kala duwan iyaga oo adeegsanayay biyo iyo Carro ayaa ku guuleystay deminta dabkii xooganaa ee ka kacay Xarunta Warshada ku taalla halkaas.
Khasaaro hantiyadeed oo farabadan ayaa ka dhashay dabkaas oo gaaray inta badan Warshada oo ay gudbteen agabyo kala duwan oo dhex yaallay, iyadoona uusan jirin wax khasaaro nafeed oo ka dhashay dabka.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdi Macalin Cilmi ayaa sheegay in dabkaas uusan geysan khasaaro naf ah, balse uu jiro mid hantiyadeed, wuxuuna sheegay in Maamulka uu dadaali doono sidii Magaalada Baladweyne u heli laheyd gaadiid dab demis ah.

“Maamulka Gobolka Hiiraan waxa uu xoogga saari doonaa sidii Magaalada Beledweyne Uheli laheed gadiid deb demis ah. Ganacsatada Magaalada Beledweyne waxa uu Maamulka Gobolka Hiiraan usoo jeedinayaa in ay ka qeyb qataan wax-yaabaha danta guud sida gawaaridaas iyo wixii kale lagama maarmaan ah” ayuu yiri Cabdi Macalin.

Dabkaas ka kacay Xarunta Warshada Joodariyeyaasha ayaa waxaa uu ka dhashay koronto, waxaana dadka deegaanka oo sameeyay dadaalo kala duwan ay ku guuleysteen deminta dabka, mana jiro wax gaadiid dab demis ah Baladweyne leedahay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Masar:-Haweenay Lagu Soo Eedeeyay In Ay Samaysatay Dalool Anshax Xumo Ah Oo Xabsiga La Dhigay

Bnnstaff Bnnstaff

Alshabaab Oo Weerar Ka Fulisay Gudaha Dalka Kenya Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Weerarkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

“Culimadanu Diinta U Daba Fadhinaa Dadka Kale Ee Siyaasada Doonaya Diinta Yanay Ku Gaban” Baashe Cawil

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More