Borama News Network

Qaramada Midoobay oo digniin cusub ka soo saartay Soomaaliya

Warbixin aay soo saaartay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in saddex-meelood meel shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin gargaar bani’aadannimo.

Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii la soo dhaafay xaqiijisay in ku dhawaad saddex-meelood meel dadka Soomaaliyeed, oo qiyaastii u dhiganta 6 milyan oo qof, ay u baahan yihiin gargaar bani’aadannimo.

Hay’adda qaramada midoobay ayaa waxay sidoo kale sheegtay in ilaa hadda ay ururisay 148 milyan oo doollar, taasoo ka dhigan qiyaastii 10% miisaaniyad gaaraysa 1.4 bilyan oo ay horay u codsatay.

Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in fatahaadaha ku dhuftay Soomaaliya ay ku soo beegmeen xilli ay hay’adaha gargaarka, gaar ahaan ururada gargaarka maxalliga ah aay la tacaalayaan caqabado waaweyn oo la xiriira hoos u dhaca ku yimid maalgelintii aay heli jireen.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay shaaciyeen in ka badan 45,000 oo qof kuwaas oo ay saameeyeen fatahaado, halka dad badanna ay ku dhinteen, kuwaas oo ay ku jiraan carruur yaryar.

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa bishii Febraayo dabayaaqadeedii ka digtay in 4.4 milyan oo qof oo Soomaaliyeed ay wajihi karaan macaluul marka la gaaro  dabayaaqada bisha Abriil 2025, sababo la xiriira abaaraha sii daba dheeraanaya, colaadaha socda, iyo qiimaha cuntada oo kor u sii kacaya.

Related posts

Dalku Jeegaan Uma Baahno “Gudoomiye Xirsi Oo Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Sucuudiga Oo Qorshaynaysa In Ay Soo Iibsanayso Diyaarahada Dagaalka Ugu Casrisan Ee Turkiga

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo Jawigii Sagootinta Madaxweynihii Hore Muuse Biixi Cabdi Ee Afaafka Madaxtooyada

Abdiaziz Bnnstaff