Haayada Caafimaadka Aduunka Oo Codsi U Jeedisay Dowlada Tanzania Iyo Sobobta

Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ayaa ka codsatay dowladda Tanzania inay diiwaangeliso kiisaska cudurka Karoona isla markaana ay la wadaagto macluumaadka ku saabsan cudurka.

Tanzania waxay kamid tahay dalal yar oo ka tirsan caalamka oo aan soo bandhigin kiisaska cudurka.

Markii ugu dambeysay ee dowladda diiwaangeliso kiisaska waxay aheyd bishii May ee sanadkii tagey xilliggaas oo ay kiisaska ku sheegtay 500 halka dhimasho ay gaartay 20.

Labo bilood kadib madaxweyne John Magufuli wuxuu ku dhawaaqay in dalka uu ka dhamaaday cudurka Covid-19.

Hadalka Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ayaa kusoo hagaagay xilli ay cudurka u dhinteen shaqsiyaad caan ah oo ay ku jiraan dad madaxwenaha saaxiibadiisa u dhow ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Mudo Xileedkii Baarlamaanka 10aad Ee Somaliya Oo Maanta Dhamaaday

Bnnstaff Bnnstaff

Midawga Murashaxiinta Oo Sheegay In La Soo Weeraray Dhaliilo Culusna U Jeediyay Farmaajo

Bnnstaff Bnnstaff

Ku Naso Ruwaayada Reer Jabuuti Iyo Qosolkii Aduunka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More