Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Jugta qarax xoogan ayaa Goordhow laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo warar la helayo ay sheegayaan inuu ka dhacay qeyb kamid ah Degmada Xamarweyne ee Gobolka.

Qaraxaas oo ahaa mid is-miidaamin ah ayaa waxaa la sheegay inuu fuliyay isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa, waxaana uu ka dhacay meel ku dhow Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.
Uuro iyo qiiq farabadan ayaa cirka isku shareertay qaraxa kadib, waxaana goobjoogayaal ay ku warrameen inay maqleen rasaas xoogan ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda federaalka.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana la xiray goobta, iyadoona ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda Booliska dowladda.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasiirka Warfaafinta Somali State Oo Shir Qabtay Kana Hadlay Arimo Kala Duwan

Bnnstaff Bnnstaff

Xoogaga Tigreyga Ee TPLF Oo Dib U Qabsaday Magaalo Ay DHawaan Qabsadeen Ciidanka Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Dal Dadka Dhintaayi Ay Ka Badan Yihiin Caruurta Dhalata Iyo Dowlada Dalkaasi Oo Walaac Ka Muujisay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More