Taliska Booliska Somaliya Oo War Ka Soo Saaray Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Qarax xoogan oo dhowr daqiiqo kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho uu ahaa mid is-miidaamin ah oo fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxybaha qarxa ah, kuna qarxay meel ku dhow SDaldhiga Booliska.

Booliska dowladda ayaa sheegay in Ciidanka amniga ka wargeleen qofka is qarxiyay, isla markaana la fashiliyay qaraxaas oo ay tilmameen in lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Wax yar ka hor abaare 11:25 AM, ayeey Ciidabka Boliisku ka war heleen, qof isku soo xiray walxaha Qarxa, si isugu miidaamiyo Ummadda, Ciidanka ayaa ka hor tagay oo fashiliyay” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska.

Uuro iyo qiiq farabadan ayaa cirka isku shareertay qaraxa kadib, waxaana goobjoogayaal ay ku warrameen inay maqleen rasaas xoogan ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda federaalka.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana aaga xiray gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dalka Itoobiya Iyo Boqortooyada Sucuudiga Oo La Heshiisay Turkiga

Bnnstaff Bnnstaff

Daawo:- Warbixin Ku Saabsan Dekeda Magaalo Xeebeedka Maydh Ee Gobolka Sanaag

Bnnstaff Bnnstaff

Qaramada Midoobay Oo Shaacisay Tirada Dadka Halis Ugu Jira Cunto Yari Ka Jirta Somalia

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More