Jubbaland Oo Faah Faahisay Kulankii Axmed Madoobe Iyo Wakiilo Ka Socday Beesha Caalamka

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer caalami ah oo uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan, waxaa kale oo wafdigan kamid ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez iyo Safiirka Talyaaniga.

Masuuliyiintan ayaa yeeshay kulamo miro dhal ah iyadoo sidoo kale hab maqal Iyo muuqaal ah ay kaga qeyb galeen Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Caetano Madeira.

War kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in kulamadana diirada lagu saaray xaaladahii u danbeeyay ee Soomaaliya iyo arrimaha Doorashooyinka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ruushka Oo Soo Saaray Fariin Ku Socota Dowladda Somalia Iyo Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Amar Ku Bixiyay Arrin Dad Badan Oo Reer Uganda Ah Ay Ka Argagaxeen Iyo Waxa Ay Tahay Arintaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Jaamacadda Carabta Oo Sheegtay In Ay Ka Go’an Tahay Taageeridda Horumarka Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More