Madaxwaynaha dalka Mareykanka oo maalmahan booqasho ku joogay dalalka Khaliijka ayaa intii uu booqashada ku joogay Imaraadka waxaa uu booqday goobo kala duwan.
Trump waxa ka mid ah goobaha uu Masjidka weyn ee Sheikh Zayed isga oo uu weheliyo dhaxal sugaha Abu Dhabey, Sheikh Khalid bin Maxamed bin Zayed Al Nahyan.
“Aad ayuu u qurux badan yahay,” ayuu Trump u sheegay saxafiyiinta gudaha masjidka, oo la sheegay in uu xirnaa maalintaas.
“Tani waa markii ugu horeysay oo ay xiraan, si ay u sharfaan Mareykanka, tani waxay ka wanaagsan tahay in la i sharfo, tani waa mid dalka sharfeysa, waana abaal weyn,” ayuu intii raaciyay.
Bin Zayed waxa uu Trump ku abaalmariyey Biladda Zayed, oo ah Abaalmarinta ugu sarreysa ee Imaaraatka Carabta la siiyo Madaxda, Boqorrada iyo Madaxweynayaasha