Hay’adda Guud ee Xuduudaha Badda iyo Dhulka ee dowladda Suuriya iyo shirkadda caalamiga ah ee DP World, oo xarunteedu tahay magaalada Dubai, ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu horumarinayo dekedda istaraatiijiga ah ee Tartous, iyo sidoo kale dhismaha goobo kale.
Heshiiskan ayaa ujeeddadiisu tahay in la kordhiyo awoodda dekedda Tartous, lana sameeyo kaabayaal casri ah oo kor u qaada adeegyada ganacsiga, dhoofinta iyo kaydinta badeecadaha, taas oo la filayo inay kaalin weyn ka qaadato dib u soo kabashada dhaqaalaha Suuriya.
Mas’uul katirsan dowladda Suuriya ayaa yiri “Heshiiskani waa tallaabo istiraatiiji ah oo ka tarjumeysa doonista dowladda ee ah in ay dib u dhisto kaabeyaasha dhaqaalaha, islamarkaana ay soo jiidato maalgashi caalami ah.”
Shirkadda DP World, oo kamid ah hormuudka ganacsiga dekedaha caalamka, ayaa dhankeeda sheegtay in iskaashiga ay la galeen Suuriya uu qayb ka yahay ballanqaadkooda ku aaddan horumarinta dekedaha gobolka Bariga Dhexe.