Ugaas Xasan Ugaas Khiliif Oo Xalay Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho

Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ku geeriyooday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kamid ahaa Ugaasyada sida weyn looga yaqaanay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ugaas Xasan uu maamihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay Magaalada, isla markaana xanuunkii haayay uu Xalay ugu geeriyooday Isbitaal.
Geerida Ugaaska ayaa waxaa xaqiijiyay Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, qaar kamid ah Ehelada Ugaaska iyo xubno kale.

Mas’uuliyiin kala duwan, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa tacsiyeeyay geerida ku timid Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waxaana baraha Bulshada hareeysay tacsi loo dirayo qoyska Ugaaska.

Allaha u naxariistee Ugaaska ayaa ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed kuwooda ugu facaweyn, uguna saameynta badan, waxaana aad loogu xasuustaa doorkii uu ku lahaa yagleelidda maamul goboleedka Hirshabeelle.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Haayada Nabadsugida Somaliya Ee Nisa Oo Sheegtay In Ay Dishay 15 Ka Mid Ah Alshabaab

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO:- Xaaladihii Ugu Dambeeyay Ee Dabka Ka Kacay Suuqa Wayn Ee Magaalada Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo War Ka Soo Saaray Haweenay Lagu Dilay Burco

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More