Midowga Murashaxiinta Mucaaridka Ah Oo Ka Jawaabay Go’aankii Ka Soo Baxay Dowlada Somaliya

Xilli Wasaaradda Amniga Soomaaliya ay shalay shaacisay in marnaba aysan ogoleyn in la qabto dibadbax laans ameeyo isu-imaatin aya Xubnaha Midowga Musharixiinta waxaa ay ku adkeysanayaan in ay qabanayaan banaanbaxa ay iclaamiyen.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo kamid ah Midowga Musharixiinta kana jawaabayay hadalkii Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in go’aankoodii banaanbaxa uu weli siidii yahay, isla markaana banaanbaxa ay qabanayaan.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo la hadlay Idaacadda BBC-da waxaa uu sheegay in qodob Dastuuri ah uu yahay in la qaban karo banaanbaxa, isla markaana Maalinta Jimcaha ah ay ku qaban doonaan Taalada Daljirka Daahsoon banaanbaxa.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in shalay Magaalada Beledweyne lagu qabtay banaanbax lagu taageerayay dowladda, hayeeshee musharixiinta aysan aqbalen in banaanbaxdooda la diido mid dowladda lagu taageerayana la qabto.

Marka laga soo tago warkaan kasoo baxay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo kamid ah Midowga Musharixiinta ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay musharixiinta si rasmi ah uga hadlaan mowqifkooda Go’aankii dowladda ku mamnuucday banaanbaxyada.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

 

Related posts

“Madaxwayne Cunaqabtaynta Ha Laga Qaado Gobolkayga” Xildhibaan Maydhane

Bnnstaff Bnnstaff

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Warbiyay Safarka Muuse Biixi Ee Kenya

Bnnstaff Bnnstaff

Maxeey ka wadahadleen wafdikii ka socday Faransiiska ee soo gaaray Muqdisho iyo Dowladda Soomaaliya.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More