Burcad Loo Heysto Dilka Ganacsato Soomaali Ah Oo Lagu Qabtay Dalka Koonfur Afrika

Howlgal gaar ah oo ay sameeyeen Ciidamada Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Koox Burcad ah, kuwaas oo loo heysto dilka Ganacsato Soomaali ah.

Warsaxafadeed ay soo saareen Booliska Xaafada New Brighton oo katirsan Magaalada Port Elizabeth , ayaa waxaa lagu sheegay in ay Xireen Saddex Nin oo lagu tuhunsan yahay dilka darawal Taxi Iyo Afar Muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo Dhawaan lagu dilay Magaladaasi PE iyo dhac ay geeysteen.
Taliyaha Saldhigga, New Brighton Colonel Vuyisiwe Temba ayaa baaris dheer ayaa sheegayin baaris dheer oo ay sameeyeen ay gacanta ku dhigeen Sadexa tuhmanayaal ah kuwaasi oo baaritaano xaqiijin ah ay ku sameeynayaan.

Ragan lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen toogashada 4 Dhalnyarada Soomaalida ah ayaa labo kamid ah waxay ahayeen walaalo waxaana raggan markii hore loo soo qabtay dil ay u geeysteen wade gaari Taxi.

Eedeysanayaasha ayaa la filayaa inay dhawaan ka soo muuqdaan Maxkamadda degmada New Brighton, iyadoo lagu soo oogi doono dacwad dil ah, waxaana Booliska ay sheegeen in aysan ka haridoonin kuwa dilalka u geysta Soomaalida.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa dilalka ugu badan loo geystaa Soomaalida, iyada oo laba todobaad ka hor lagu dilay 4 Dhalinyaro ah oo laba kamid ah ay Walaalo ahaayeen, halka mararka qaar dhac loo geysto hantidooda.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Oo Ka Warbixiyay Safarka Raysal Wasaare Rooble Ee Kenya

Bnnstaff Bnnstaff

Dagaal Dhex Maray Qoomiyadaha Somalida Iyo Canfarta Ee Dalka Itoobiya Iyo Dad Ku Dhintay Dagaalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Maxkamada Gabilay Iyo Ciidanka Booliska Oo Maanta Gubay Khamri Iyo Xashiisad Tiro Badan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More