Borama News Network

Qiiq iyo uuro madow oo ka dulbaxaya magaalada Tabriz ee dalka Iran

Sida uu weriyahayaga ku sugan magaalada Qudus ku soo warramay waqti kooban kahor, in muuqaallo cusub lagu baahiyey baraha bulshada kuwaas oo laga soo qaaday magaalada Tabriz, oo ku taalla waqooyiga-galbeed ee Iiraan, saacaddii la soo dhaafay.

Muuqaallada cusub waxay muujinayaan uuro madow oo ka kacaysa gudaha garoonka diyaaradaha ee magaaladaas.

BBC Verify, oo baaris ku sameysay muuqaallada iyo warbixinada laga helay magaalada, ayaa xaqiijisay in meesha uu qiiqu ka kacayo ay u dhowdahay jidadka diyaaraduhu ku cararaan (runway) ee garoonka weyn iyo saldhigga milatari ee Shekari oo ku dheggan.

Tabriz ayaa horey loogu bartilmaameedsaday weerarro ay IDF qaaday aroornimadii hore ee maanta.

Madaxa maamulka gurmadka degdegga ah ee gobolka Azerbaijan Barri ayaa bartiisa rasmiga ah ee Telegram ku sheegay in saddex qof lagu dilay magaalada, iyadoo 10 gooboodna lagu weeraray gobolkaas. Wararkan si madax-bannaan looma xaqiijin.

Weli lama oga sababta saxda ah ee keentay qaraxa iyo qiiqa baahsan ee laga arkayo guud ahaan magaalada.

IDF kama aysan bixin wax xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan weerarro cusub oo wali socda, iyadoo aan la helin war kasoo baxay ilahooda rasmiga ah.

BBC Verify waxay weli baareysaa muuqaal kale oo la xiriira weerarrada Israa’iil ku qaaday Iiraan, waxaana lagu baahinayaa boggooda tooska ah ee wararka ku saabsan.

Related posts

Shacabka Magaalada Muqdisho Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Dareen Celiyay Shirkii Somaliland Iyo Somaliya Ku Dhex Maray Jabuuti

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Wadani Oo Jawaab Kulul Kabixiyay Hadalkii Wasiir Maxamed Kaahin, Iyo Sababta Loo Xusi Waayay Xuska Aas Aaska Ciidanka Booliska Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Tirinta Codadaka Iyo Natiijada Doorashada Ee Gobolka Awdal Oo La Soo Gabagabeeyay

Abdiaziz Bnnstaff