Borama News Network

Shiinaha oo canshuurta ka dhaafaya 53 dal oo ku yaalla Afrika

Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in 53 waddan oo ku yaalla Afka ka dhaafi doonto canshuurta laga dhaafo alaabaha ay soo dhoofiyaan.

War-murtiyeedka wadajirka ah oo ka soo baxay shirka Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ayaa waxaa lagu caddeeyay in labada dhinac ay fududeyn doonaan canshuurta si loo kobciyo dhaqaalaha.

Hore kaliya 33 wadan ayuu Shiinaha u sameyn jiray Canshuur dhaaf, balse hadda tiradaasi ayaa gaari doonto 53 dal.

Liiska cusub waxaa ku jiri doona waddamo ay ka mid yihiin Koonfur Afrika iyo Nayjeeriya oo kamid ah dalalka dhaqdhaqooda ganacsiga fiican yahay.

Dhinaca kale, war murtiyeedka ka soo baxay Shirka ayaa waxaa digniin loogu diray Mareykanka, isaga oo lagu tilmaamay inuusan ixtiraamin nidaamka Ganacsiga Caalamiga uuna soo rogay Canshuuro xad dhaaf ah.

Shiinaha ayaa ku dadaalaya inuu kordhiyo galaan-galkiisa Ganacsiga Afrika, waxaana taasi caddeynaysa in sannadkii 2023 oo kaliya labada dhinac ay wadaageen badeecooyin ku kacaya $170 bilyan oo doollar.

Related posts

Golaha wakiillada oo si adag uga hadlay Sababta uu Golaha u hor iman waayey Xeer ilaaliyaha Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiir Cabdinasir Buuni Oo Si Adag Ugu Jawaabay Madaxwaynaha Dowlada Fadaraalka Somaliya Xasan Sheekh

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Kenya oo dalal kale oo Afrikaan ah ka dhaaftay khidmada dalkugalka bilaashka ah

Abdiaziz Bnnstaff