Wararka aan ka heleyno deegaan dhinaca Bari ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas gelinkii dambe ee shalay uu ka dhacay weerar lagu qaaday dad shacab ah.
Nin ku hubeysnaa qori AK-47 ayaa waxaa uu weerarkaas loo adeegsaday rasaas ku qaaday shan qof oo shacab ah kuna sugnaa deegaan lagu magacaabo Gadoon oo hoostega Magaalada Dhuusamareeb, waxaana ka dhashay khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay qof ayaa ku geeriyooday weerarka, halka 4 qof kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen oo rasaasta lagu furay uga dhacday meelo halis ah, iyagoona la geeyay Xarun Caafimaad.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in weerarka uu la xiriiray aano qabiil, kadib markii Ninka weerarka geystay uu kal horey uu laayay Nin ehel ahaayeen, isagoo Ninka halkaas uu ka baxsaday.
Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa inay wadaan howlgalo kala duwan oo ay ku raadinayaan Ninkii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay deegaanka Gadoon ee Gobolka Galgaduud.
Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa horey sidaan oo kale uga dhacay weeraro khasaaro kala duwan geystay iyo dilal qorsheysan oo la xiriiray aano aanooyin qabiil, waxaana Maamulka Galmuduguu ku guudldareystay wax ka qabashada falalkaas.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com