Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyihii Qaybta Waliyow Cadde, isagoo mid cusub u magacaabay Taliskaas.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xijaar ayaa waxaa xilka Taliyaha qeybta Waliyow Cadde loogu magacaabay inuu noqdo Yaasiin Nuur Kheyre Ganeey, isla markaana bedelaya Taliyihii Waliyow Cadde.
Xilka qaadista Taliyaha ayaa ka dambeeysay kadib markii lagu eedeeyay howlo burburin ah oo Ciidam ka tirsan kuwa Booliska dowladda ka fuliyeen Iskuulka Hoyska Xamar, si loogu wareejiyo Ganacsato.
Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo shalay tegay Iskuulka Hoyska Xamar ee la burburiyay ayaa waxaa uu sheegay in arrintaas ay ka xun yihiin, isla markaana tallaabo laga qaadi doono Ciidankii fuliyay burburinta.
Arroornimadii hore ee shalay ayey aheyd markii Ciidamo ka tirsan Booliska tageen halka uu ku yaalla Dugiga hoysga Xamar, isla markaana ay ku bilaabeen burburin, si loogu wareejiyo dhulka Ganacsaro, waxaana arrintaas si kulul uga hadlay Madaxda DFS.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com