Muwaadin Somaliyeed Oo Xaaskiiska Ku Dilay London Oo Xukun Lagu Riday

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Xuseen Yuusuf Cigaal ayaa kamid ahaa Soomaalida degan xaafada Edmonton ee waqooyiga london, waxaana loo hhelay in uu si bareer ah u dilay xaaskiisa.

Xuseen ayaa waxaa ay maxkamad la soo taagay ku heshay danbi ah in uu dilay xaaskiisa Maryan Ismaaciil 6 April sanadkii 2020, waxaana lagu xulumay xabsi daa’in.

Xuseen ayaa maxkamada mar ka sheegay in Cudurka Karoona uu hayay oo xaaskiisa ay tiri Guriga iiga bax oo karoonaha uu waalay uu sidaasi ku dilay xaaskiisa, sidoo kale uu sheegay in uu isdifaacayay.

Danbi baarayaasha qaarkood ayaa sheegay in markii ay arkeen meydka gabadha ay aad uga naxeen sida uu u dilay islamarkaana baaritaankooda uu muujiyay in aanu dagaal dhicin ee gabadha la dilay.

Xuseen oo haatan jira da’da 66 jir, isla markaaana ahaa darawal ayaa qaadan doona xabsi cimrigaa haku furto ah, waxaana soo dhaweeyay xukunkaas Ehellada labada dhinac.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Waraysi Xiiso Leh Oo Laga Qaaday Safiirka Uk U Fadhiya Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

“Somaliland Way Uga Dhamaatay Laascaanood” Garaad Cabdilaahi Jamac Guuleed

Bnnstaff Bnnstaff

Ingiriiska Oo Taageeray Dowladda Somalia, Kana Horyimid Qorshaha Midowga Afrika

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More