Sucuudiga Oo Sheegay In Uu Fishiliyay Weerar Lala Damacsanaa Ciidamadiisa

Sucuudiga ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar gantaal oo lala damacsanaa in lagu garaaco caasimadda Riyaad.

Waxay ku eedeysay weerarkaas fallaagada Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yemen.

Warbixinno lagu baahiyey telefishinka dowladda ayaa lagu sheegay in dhowr diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha wadin oo bambooyin lagu soo rakibay oo ku wajahnaa magaalooyin ku yaalla Koonfurta Sucuudiga isla markaana ay burburiyeen.

Ilaa hadda lama soo tebin khasaare nafeed iyo mid maalba oo ka dhashay weerarkaasi.

Waxaa sare u kacay weerarada Sucuudiga uga imaanayo dhinaca Xudduudda Yemen xilli Sucuudiga uu hoggaaminayo howlgallada ka dhanka maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee taageerada ka hela Iran.

Bishan ayay aheyd markii madaxweyne Joe Biden uu shaaciyay in Mareykanka uu hakin doono tageeri uu siin jiray dagaalka uu hoggaaminayo Sucuudiga ee Yemen.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wariye Maxamed Cumar Sheekh Oo Ka Mid Ahaa Shaqaalihii Radio Muqdisho Oo Ka Hadlay Arinta Taakeeye

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamo Badan Oo Itoobiyaan Ah Oo Loo Jaray Waaran Soo Qabasho Ah Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Maxay Shacabka Muqdisho Ka Yidhaahdeen Heshiiskii Mucaaridka Iyo Xukuumada Iyo Baaqashada Mudaharaadka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More