Raysal Wasaare Rooble Oo Markale Kulan La Qaadanaya Midawga Murashaxiinta Mucaaridka Ah

Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo isniin ah in uu Magaalada Muqdisho kulan kula qaato markale Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.

Kulanka ayaa daba socda kulankii dhawaan uu la qaatay ee heshiiska ay ku wada gareen, Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya Midowga Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle, kaas oo lagu dejinayay xaalada Magalada Muqdisho.

Wararka la helay ayaa sheegaya in kulanka looga hadli doono kaalinta ay Midowga Musharixiinta ku yeelan doonaan wada-hadallada al xiriira arrimaha doorashooyinka ee ku saabsan dhameystirka & dhaqangelinta heshiiskii 17-kii September.

Kulankii ay dhawaan Muqdisho ku yeesheen Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya ee Maxamed Xuseen Rooble & Midowga Musharixiinta ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay Beesha Caalamka iyo inta badan Shacabka Soom aaliyeed.

Beesha Caalamka oo dhowr jeer kulan la qaadatay Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ay ka dalbadeen in uu qaato doorkiisa ku aadan wada-hadallada mucaaradka iyo hirgelinta doorashooyinka.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxweyne Deni “Ciidamada Waxaan Uga Digay Inay Ku Milmaan Siyaasadda

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamada Itoobiya Oo Gacanta Ku Dhigay 100 Dhallinyaro Ah Oo Doonayay Inay Ku Biiraan Al-Shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Soomaaliya oo Hay’adda IOM kala hadashay waxka qabashada Abaarta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More