Weerar Dad Badan Lagu Laayay Oo Ka Dhacay Dalka Congo Iyo Tirada Dadlka La Laayay

Koox hubeysan oo ka tirsan jabhadda ADF ee ka dagaalanta dalka Koongada dimoqraadiga ah ayaa 10 ruux oo rayid ah ku dilay kadib weerar ay ku qaadeen tuulo ku yaala bariga wadanka Koongada dimoqraadiga ah.

Afhayeen u hadlay militryga Koongo oo la yiraahdo Juules Gongo ayaa sheegay in kooxda hubeysan ay tageen tuulada Booyo la yiraahdo oo ka tirsan gobolka Ituuri kadibna ay laayeen dadkii deganaa.

Dadka degaanku waxay sheegaan in kooxda hubeysan ay sidoo kale gubeen guryihii tuulada ku yaalay.

In ka badan 20 ruux oo weerarkaas ku dhaawacantay ayaa loo qaatay xarumaha caafimaadka sida saraakiisha ciidamada laga soo xigtay.

Ururka ADF oo dalalka Koongada dimoqraadiga ah iyo Uganda ka dagaalamaysay tan iyo sagaashamaadkii ayaa dhawaan la sheegay inay xiriir la sameysteen ururka kale ee Daacish.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Shirkada Nadaafada Horseed Oo Maanta Si Wayn Uga Qayb Qaadatay Olalaha Nadaafada Ee Borama

Bnnstaff Bnnstaff

Buhoodle: Ciidan Iyo Gaadiid Ka Soo Goostay Maamulka Puntland Oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Militaryga Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Diyaaradaha Dagaalka Ee Sokhoy 30 Ee Ruushku Sameeyo Oo Dul Maray Markab Dagaal Oo Uu Maraykanku Leeyahay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More