Yaabka :- Kenya Oo Sheegtay In Ay Jiraan Somali U Markhaati Furaysa La’aanshaha Bada Lagu Muransanyahay

Maxkamadda ICJ ayaa cudurka Covid-19 dartii doonaysa inay dacwadda Somalia-Kenya ee madlan 15-ka bishan ku dhegeysato khadka Zoom, yeelkeede, Kenya ayaa ku doodaysa inay taasi dilaysa qiyamka iyo kalsoonida dacwadda, sida uu dhigayo The Star.

Kenya ayaa ku doodaysa in laga diidey inay marqaati furaan dadka reer Lamu oo sida ay sheegtay ah kuwa uu go’aankani saamaynta 1-aad ku yeelanayo, si ay u muujiyaan xiriirka dhaqan iyo kan taariikheed ee ay la leeyihiin ”aagga lagu muransan yahayää, sida ay kenya qabto.

Tan ugu darani waxay tahay Kenya oo ku doodaysa inay jiraan dad iyada u marqaati furaya oo reer Somalia ah oo ka horjeeda dalkooda, kuwaasoo amaankoodu uu halis gelayo haddii dacwadda lagu qabto khadka Zoom, kuwaasoo haddii ay marqaati furi waayaan ay taasi daciifinayso kiiska Kenya.

Sida uu qorayo The Star, Kenya ayaa haddaba dareensan in ka wareegidda dacwada jireed ay daciifinayso kiiskeeda isla markaana maadaama laga diidey in dhegeysiga mar kale la baajiyo ay dareensan tahay inaysan heli doonin xukun caadil ah.

 

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Khasaaro Ka Dhashay Madaafiic Ku Dhacday Xaafaddo Ku Dhow Garoonka Aadan Cadde

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Cadaalada Somaliland Oo Sheegay In Dhuxul Laga Guro Gobolka Sanaag Loo Iib Geeyo Puntland

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan Oo Heshiis Ka Gaadhay Xiisada Ka Taagan Beledweyne

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More