Weerar Laga Laayay Dad Shacab Ah Oo Ka Dhacay Gobolka Galgaduud

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in ay gaari ku rasaaseeyeen degaanka Mirocowleed oo hoostaga Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Gaariga la rasaaseeyay ayaa sida la sheegay waday Qaad ( Jaad), waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in weerarka ay ku dhinteen laba ruux mid kalena uu ku dhaawacmay.

Wararka la helay ayaa sheegaya in falkan uu la xiriirinayo aanooyin qabiil oo bilihii la soo dhaafay ka taagnaa degaano hoostaga Magaalada ee Gobolka Galgaduud, iyada oo saaka xiisad ka dhalatay dilkaas ay taagan tahay.

Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Galmudug kusoo batay dilalka lala xiriirinayo aanooyinka qabiil, iyada oo qaarkood dagaal beeleedyo dhacay xal lag gaaray halka kuwo kale aan weli lagu guuleysan xalintooda.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasiiro Xilalkoodii Ku Waayey Dagaalka Lagula Jiro Kooxda Daaliban Ee Dalka Afghanistan

Bnnstaff Bnnstaff

Dawladda Somaliya Oo Walaac Ka Muujisay Orodyahannaddii Soomaaliya Ku Metelaysay Orodka Gaaban.

Bnnstaff Bnnstaff

DEG DEG: Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda Oo Shaqadii Laga Joojiyay Loona Magacaabay Masuul Cusub.

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More