Ilhaan Cumar Oo Markale Ku Baaqday In Cunaqabatayn La Saaro Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sucuudiga

Ilhan Cumar oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa Talaadadii shalay soo saartay, qodob sharci ah oo ay ku rabto in Aqalka Hoose uu cuna-qabateyn saaro Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Ilhan ayaa sheegtay, in ay Maxamed Bin Salman oo ku magac-dheer MBS lagu ciqaabo, doorki uu ku lahaa dilkii qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu geystay, wariye Jamal Khashoggi, sannadki 2018-kii.

Sirdoonka Mareykanka ayaa Jimcihi shaaciyay, warbixin in muddo ahba la sugayay oo si cad ugu eedeysay Maxamed Bin Salman, inuu amray in lasoo xiro ama lasoo dilo wariye Kashoggi oo ahaa saxafi u dhashay Sacuudiga balse heystay deganaashaha Mareykanka.

Bayaan ay shalay soo saartay, ayay Ilhan ku tiri: “Tani waa tijaabada bani’aadannimadeenna. Haddii Mareykanka uu si dhab ah u taageero xorriyadda hadalka, dimoqraadiyadda iyo xuquuqda aadanajha, ma jirto sabab aanan cuna-qabateyn loo saarin Mohammed bin Salman oo ah ninka ay sirdoon-keenna xaqiijiyeen inuu dilay Jamal Kashoggi oo ahaa saxafi degannaa Mareykanka”

Mareykanka ayaa todobaadki hore cuna-qabateyn saaray in ka badan 60 muwaadin oo Sacuudi ah, balse kuma jirin Maxamed Bin Salmaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Qaraxa Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

“Wasiir Jamaal Somaliland Dagaal Badan Ayuu Ku Hayaa” Safiirka Somaliland Ee Jabuuti Amb. Cabdifatax

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxuu Ka Yidhi Xiidhiidhka Somaliya Iyo Somaliland Ka Horta Intii Uuna Madaxwaynaha Noqon

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More