Sacuudiga Oo Sheegay In Ay Burburiyeen Diyaarad Ay Lahaayeen Xuutiyiinta

Sacuudi Carabiya ayaa maanta ku dhawaaqday, burburinta diyaarad Drone ah oo ay Xuutiyiinta Yaman, la damacsanayeen in ay Qaraxyo kaga geeystaan gobalada koonfureed ee Boqortooyada Suudiga.

TV-ga Dawladda Sacuudiga oo soo xiganaya Sarakiisha isbaheysiga ee la dagaalamaya Xuutiyiinta, ayaa sheegay in ay burburiyeen diyaarad nuuca aan duuliyaha wadin ah oo ay Xuutiyiinta lahayeen.

Afhayeen u hadlay Xukuumadda Sucuudiga ayaa sheegay in isku dayga lagu weerarayo dadka rayidka ah ay ka dhigan tahay dambiyo dagaal, oo aan loo qiil dayi Karin.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa dhankooda sheegay in dhawan ay bartilmaameedsadeen garoomada diyaaradaha dagaalka xulifada Sacuudiga, oo uu ka mid yahay garoonka Diyaaradaha ee Abha, kaasi oo ay shegeen in ay ka soo kacaan diyaaradaha Dagaalka ee qumaatiga u kaca.

Waaxda maaliyadda Mareykanka ayaa shalay warbixin ay soo saartay ku shaacisay inay liiska madow ku dartay xubno ka mid ah Madaxda Xuutiyiinta.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews com

Related posts

Wasaarada Caafimaadka Somaliya Oo Beenisay In 30 Qof Ay U Dhinteen Cudurka Covid 19

Bnnstaff Bnnstaff

Booliska Somaliya Oo Soo Bandhigay Kooxo Budhcad Ah Oo Dhac Ka Gaysan Jiray Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Qaramada Midoobay Oo Shaacisay Xog Ku Saabsan Willka Uu Dhalay Usama Bin Laden

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More