Dad Haraan Ugu Dhintay Deegaano Hoos Yimaada Degmada Baardheere Ee Somaliya

Maamulka degmada Baardheere ee dhanka dowladda federaalka ah ayaa sheegay in abaarta ba’an ee ka jirta aaggaas awgeed ay dad harraad ugu dhinteen deegaanno ka tirsan degmadaas.

Guddoomiyaha degmada, Maxamed-Weli Yuusuf Cabdillaahi ayaa BBC u sheegay in labo qof ay u dhinteen biyo la’aan ka jirta deegaanno hoostaga Baardheere.

“ilaa iyo hadda inta aan diiwaangelinay labo qof waan hubnaa oo ku dhintay deegaano hoos yimaada degmada oo biyo la’aan ugu dhintay oo dad yar iyo dad waaweyn isugu jira, dad la il daran oonka wey jiraan” ayuu yiri Maxamed Weli Yuusuf.

Biya la’aantan ayaa ka dhalatay roobabkii dayrta iyo guga oo baaqday, taas oo sababtay in xoolaha iyo dadkuba ay oomaan yihiin.

Halkan ka dhageyso wareysgiga guddoomiyaha degmada Baardheere.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maxaabiis Lagu Kala Qabsaday Dagaal Beeleed Ka Dhacay Xeebaha Gobolka Sanaag Oo Lagu Wareejiyay Maamulka G/Sanaag

Bnnstaff Bnnstaff

JIGJIGA: Weedhihii Cali Khaliif Ka Jeediyay Qado Sharaf ONLF Sameysay +VIDEO +SAWIRO

Mustafehaji

Abiy Ahmed Oo Qudbadii Uu Ka Horjeediyay Baarlamaanka Ku Fashilayay Arimo Xasaasiya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More