Booliska Dutch-ka waxay maanta oo Arbaco ah sheegeen inuu Qarax ka dhacay Xarun lagu baaro COVID 19 oo ku taalla Waqooyiga Caasimadda dalkaasi ee Amesterdam.
Qaraxaasi waxa uu dhacay wax yar ka hor 7-dii aroornimo inta aan saakayto la furin Xaruntaasi.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Boliska Gobalka Waqooyiga Holland (The province of North Holland) lagu sheegay inuu Qaraxaasi ka dhacay Degmadda Bovenkarspel oo 55 KM dhanka Waqooyi kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Amesterdam.
Afhayeenka Boliska, Menno Hartenberg oo la hadlay REUTERS waxa uu tilmaamay in wax bir ah sababay Qaraxaasi.
Waxa uu intaasi ku daray inaysan si rasmi ah loo aqoonin waxa dhabta ee qarxay, balse, Khubarada ku takhasustay qaraxyada ayaa loo yeeray, si ay u baaraan waxa sababay qaraxaasi oou muuqda in si toos ah loola maganaa Xarunta lagu baaro COVID 19.
Afhayeenka waxa uu xusay in Birta haraaga ee qaraxaasi laga helay meel ka soo horjeeda Xarunta Baaritaanka COVID 19, iyadoo birta la helay uu dhererkoodu gaarayo qiyaastii 10 cm x 10 cm oo u dhiganta (4 inch x 4 inch).
Lama soo sheegin cid wax ku noqotay qaraxaasi, iyadoo uu qof Ilaaliye ah keligiisa ku sugnaa Xaruntaasi.
Warbaahinta NOS ee dalka Netherlands waxay sheegtay in dhuun bir ah (Metal Pepe) u ku qarxay duleedka dhismo ku yaalla Middenweg, balse aan weli la xaqiijinin.
Dhinaca kale, qaraxaasi ayaa ku soo beegmay, iyadoo maalmihii la soo dhaafay aad u kordheen dadka uu ku dhacay Xanuunka COVID ee ku nool Gobalka Bovenkarspel, gaar ahaan u dhow Degmadda Hoorn.
Haatan, Degmadda Hoor waxay kaalinta 4-aad kaga jirta magaallooyinka iyo Degmooyinka dalkaasi ee ay ku nool dadka ugu badan ee uu ku dhacay Corona Virus.
Ma aha markii ugu horeysay ee la weeraro Xarun lagu baaro COVID 19 oo ku taalla dalkaasi.
Habeenkii u horeeyey ee Bishii Janaayo ee sanadkan, kooxo Rabshad-wadayaal ah ayaa waxay dab qabadsiiyeen Xarun lagu baaro COVID 19 oo ku taalla Tuulladda Kalluumeysiga ee Urkon .
Kooxdaasi waxay ka caraysnaayeen Bandowga Guud oo Fiidnimo ee dalkaasi lagu soo rogay, si loo xakameeyo COVID 19.
Si kastaba ha ahaatee, qaraxa maanta ka dhacay Bovenkarspel waxa uu ku soo beegmay iyadoo bishan March 17-da dalka Netherlands ka dhici doonto Afti Dadweyne (A Referendum) oo loo qaadayo sida ay Xukuumadda u maaraynayso Ka-hortaga Xanuunka Laayaanka ee COVID 19.
Xisbiga Muxaafidka ee VVD Party ee uu hoggaamiyo Ra’isul-wasaare Mark Rutte ayaa la rajeynayaa inuu
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com