Cijiib:- Shirkada La Sheegay In Ay Ka Ganacsanayso Kaadida Haweenka Uurka Leh Iyo Sobobta

Mas’uuliyiinta dalka Tanzania ayaa baarayaa shirkad la sheegay inay uruurineysay kaadida haweenka uurk leh si ay uga sameyso dawooyin, sida uu ku warramay wargeyska The Citizen ee kasoo baxa dalkaas.

Waaxda dawooyinka ee Tanzania ayaa lasoo xigtay iyadoo sheegaysa in aanay aqoonsaneyn shirkadda Polai oo la sheegay inay ku lug laheyd ganacisgan.

Wargeyska The Citizen ayaa sidoo kale ku warramay in baaritaanada ay muujinayaan in shirkadda ay qarsoodi ah ugu howlaneyd ururuurinta kaadida haweenka uurka leh.

Wuxuu soo xigtay shaqaale ka tirsan shirkadda oo qiraya in kaadida haweenka uurka leh lagu daweeyo dhalmo la’aanta.

Ma jirto caddeyn muujineysa in kaadida banii’aadanka wax lagu daweyn karo.

Waaxda dawooyinka Tanzania waxay sheegtay inay qaadi doonto tallaabo marka lasoo gabagabeeyo baaritaanka.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xamse Warfaa Muwaadinka Somaliyeed Ee Joe Biden La Taliyaha Sare U Magacaabay Oo Waraysi Bixiyay

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Kulmiye Ree Awdal Gobol Ahaan Iyo Reer Ahaanba Wax Kuma Siin” Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

“Madaxwayne Badhasabka Awdal Maaha Badhasaab ee waa Joomitir Bulshadana waa Ku Dhibaato Ee Wax Ka Qabo” Odayaal Iyo Waxgarad Reer Awdal Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More