War Saxaafadeed: Dowladda Soomaaliya Oo Ogolaatay In Banaanbaxa Lagu Qabto Daljirka Dahsoon

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii Ogolaatay in babaanbaxa ka dhanka Madaxweynaha uu dhamaaday Muddo xileedkiisa in lagu qabto dalnirka Dahsoon.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa siddaan u qornaa:

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyada oo tixgelinaysa geeddi socodka dimuqraadiyada, qabsoomidda doorashooyinka qaranka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka waxa ay u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon.

Bilowgii, Xukuumaddu waxay u soo jeedisay mucaaradka in ay mudaharaadkooda ku qabsadaan Eng Yariisow Stadiyoom si loo xaqiijin karo habraacyada xakamaynta COVID-19 ee waajibka ah, laakiin markii mucaaradku ku adkaysteen fagaaraha Daljirka Dahsoon xukuumaddu iyada oo tixgelinaysa heshiisyadii la wada gaaray waxay ogolaatay dalabkii mucaaradka.

Ugu dambayn Xukuumaddu waxay fartay qaban qaabiyayaasha mudaharaadku in ay dibad baxayaasha ku adkeeyaan soo qaadashada afxirka iyo kala fogaanshaha.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Itoobiya Iyo Madaxwaynaha Canfarta Oo Baaq Diray

Bnnstaff Bnnstaff

Prof.Xasan “Qoor-Qoor Iyo Guudlaaw Waan In Farmaajo Ku Dhahaan Kusoo Laabo Teendhada Afisiyooni ”

Bnnstaff Bnnstaff

Faysal Cali Waraabe “Ismaaciil Cumar Geele Anaga Mid Hanoo Yidhaahdo Dal Bay Ahaayen 60kii”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More