Shirkii Uu Madaxwayne Farmaajo Ku Baaqay Oo Qarka U Saaran InUu Baaqdo

Markii saddexaad ayaa laga cabsi qabaa inuu baaqdo kulan uu madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada.

Maamullada Jubaland iyo Puntland ayaa qoraallo ay soo saareen xalay ku qaadacay kulankaas, waxayna ku baaqeen in kulan kasta oo ku saabsan arrimaha doorashada lagu qabto meel amni ah, ayada oo Puntland ay si gaar ah u dalbatay garoonka Aadan Cadde.

Maanta oo Khamiis ah ayaa loo qorsheeyay in shirka uu qabsoomo, hayeeshee Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaan weli soo gaarin Magaalada Muqdisho, halka Madaxweynayaasha Galmudug & Koonfur Galbeed ay ku sugan yihiin dalka Turkiga.

Dowladda soomaaliya ayaan weli ka jawaabin dalabka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ee ah in munaasabada lagu saxiixayo heshiiskii Guddiyadii ku shiray Baydhabo ay gaareen.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada waxaa ay ku cadaadinayaan sidii ay u kulmi lahaayeen, isla markaana heshiis rasmi ah looga gaari lahaa doorashooyinka Soomaaliya oo weli uu muran ka taagan yahay.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Masuuliyiinta Safaarada Somaliya Ee Dalka Jarmalka Oo Ka Jawaabay Eedaymo Loo Jeediyay

Bnnstaff Bnnstaff

Afar Arrimood Ka Ogow Dhismaha Cusub Ee Ugu Dheer Dalka Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

” Raga Dheel Dheelayow Dagaalku Wuu Soconayaa Wakhti Kasta ha Qaatee ” Madaxwaynaha Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More