Raysal Wasaare Rooble Oo Maanta Kulan Kale La Qaadanaya Midaoga Murashaxiinta Mucaaridka Ah

Maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa la filayaa in markale ay Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Xubnaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka.

Kulanka oo noqonaya kii saddexaad ayaa waxaa looga hadlayaa waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii ay dhawaan gaareen sigar ah waxyaabaah kasoo kordhay baaritanka dhacdadii 19-kii Bishii Febaraayo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta & Midowga Misharixiinta ayaa ka wada hadlaya qabsoomida banaanbaxa musharixiinta ay ku yeelanayaan Taalada Daljirka Daahsoon & doorka ay ku yeelaneyso Xukuumadda Soomaaliya.

Shirarkii ugu dambeeyay ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta iyo Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay ku gaareen wada-hadallo wanaagsan, hayeeshee Musharixiinta ay sheegeen in wada-hadallada uu carqaladeeynayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Guddoomiyihii Maxkamada Salaxlay ee La Dhaawacay oo Ka Hadlay Sida ay Wax Udhaceen

Bnnstaff Bnnstaff

Iran Oo Sheegtay Inuu kusoo Laba Kacleeyay Corona-virus.

Bnnstaff Bnnstaff

Dagaal Khasaare Gaystay Oo Duleedka Dhuuso Mareeb Ku Dhex Maray Alshabaab Iyo Ciidamada Dowlada

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More