Borama News Network

Fahad Yaasiin Oo Madaxweyne Geelle Ku Tilmaamay In Uu Yahay Cadawga Soomaaliya !

  1. Mar walba istiraatiijiyadda Madaxweynaha Jabuuti waxay ku salaysantahay balaayo waa la iska moosaa, wuxuuna awood walba galiyaa sidii Soomaaliya ay qalalaase joogta ah ula noolaan karto oo dib loogu dhigi karo dhismaha dowlad ka caga dhigata Soomaaliya. 
  2. Markii uu Abiy Axmed bilaabay inuu ka hadlo sidee Itoobiya ku gaari kartaa badda, waxaa u caddaatay Ismaaciil Cumar Geelle inuu daad culus kusoo wajahanyahay, wuxuuna dajistay qorshe sirdoon iyo mid diblomaasi oo uu isaga leexin karo mawjaddan kusoo jeeda Jabuuti, wuxuuna qaaday tallaabooyin wax tar u leh dalkiisa.
  3. Koow: Wuxuu Itoobiya kala hadlay inuu ku qanciyo Soomaaliya ayaan idin la qalqaalinayaa inaad wada gashaan heshiis wax kala badalasho ku dhisan oo ah in Itoobiya ay hesho bad, waxna loogu baddalo Soomaaliya. Qorshahaas, wuxuu kala hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh, oo tallaabadaas aanan diidmo ka muujinin, haddana ka cabsaday inuu horay ugu sii socda. Dabeecadda Abiy oo boobsiiska jecel iyo dhaqanka Xasan oo daahista u sifaysan baa dib u dhigay hirgalinta heshiis dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya. 
  4. Geelle, isagoo dareensan waqtiga sida seefta oo kale u socda, wuxuu dajistay shax kale oo aad u xeel dheer isagoo ka dalbaday Madaxweynaha Soomaaliya inuu ka aqbalo in Jabuuti lagu qabto shir wada hadal Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo cinwaankeedu yahay xoojinta wada xaajoodyadii horay usoo socday. Codsigaas wuu aqblay Xasan Sheekh, isagoon ogayn dhagarta ku hoos qarsoon.
  5. Dhanka kale, Ismaaciil Cumar wuxuu kula heshiiyey Itoobiyaanka inuu Xasan ku qancinayo inuu u fasaxo in Somaliland iyo Itoobiya ay galaan heshiis ay ku helayso bad iyo dekado, qofka u saxiixayana uu noqdo Muuse Biixi, ayaga oo haysta ogolaashaha Villa Soomaaliya. Sida caadada ah, mar walba Ismaaciil iyo Muuse waa isla socdaan, cidda siran waa Muqdisho. 
  6. Wajigii muuqday ee shirka kolkuu dhamaaday, wuxuu Ismaaciil hordhigay Xasan Sheekh ajandihii qarsoonaa ee shirka loo qabtay. Wada hadal kooban kaddib, waxaa khadka telefanka lasoo galiyey Abiy Axmed oo ay Geelle isa sii ogaayeen, halkii baana loogu sheegay Abiy in Madaxweyne Xasan uu ogolaaday in Muuse Biixi uu la gali karo heshiiska badda, laakiin shuruudo dhawr ah buu wataa Xasan oo ah, inaanan Muuse la siinin maamuus dal madax bannaan iyo in heshiiskan uu horudhac kaliya noqdo, heshiiska oo buuxana lala sugo Dowladda Federaalka. Sidoo kale, inaanan lagu dhawaaqin heshiis tafaasiil xanbaarsan oo hadallo guudmar ah un lagu soo koobo.
  7. Markii uu Madaxweyne Xasan usoo duulay Muqdisho, Muuse wuxuu toos u aaday Addis Ababa si wadaxaajoodka guud u galo. Nasiib darro, heshiiskii Ismaaciil dhexdhexaadka ka ahaa sidii loogu ballamay looma fulin.
  8. Madaxweyne Xasan Sheekh ballanfurkaas waa ka carooday, waxaana saldhig u ahaa laba qodob ; maamuuskii garoonka Addis Ababa lagu siiyay Muuse Biixi iyo in heshiiska ay si toos ah u kala saxiixdeen Abiy iyo Muuse, taasoo aan waxba u reebin Xasan Sheekh.
  9. Qodobka kale, waa in lagu soo daray erayo qeexaya in Somaliland la aqoonsanayo oo sidii dal madax bannaan loola dhaqmayo.
  10. Sidaad wada xusuusataan Madaxweyne Xasan dhawr maalmood ayuu aamusnaa oo dhakafaar ku jiray oo marna Geelle wacay, marna dajisanayey qaabkii uu uga falcelin lahaa gadoodka shacabka ee cirka isku shareertay. Ilaa iyo hadda waxaa muuqata in Madaxweynuhu lug u laaban tahay, waxayna ka muuqata sida wali loo qaadin talaabo u qalanta waxa dhacay.
  11. Geelle, saddex qolaba halmar buu gool kawada dhaliyey. Itoobiya mashruucii bad raadinta wuu ka dhiciseeyey. Muuse Biixi, ceeb iyo fadeexad buu dhex fariisiyay, Soomaaliyana buuq iyo qalalaase muddo soconaya buu ku abuuray. Tan ugu muhiimsan waa in uu iska dadbay damacii Itoobiya oo uu Jabuuti ka leexiyey mawjaddii bad raadinta ahayd.

 

Related posts

Kooxo Dabley hubaysan Ah Oo In Ka Badan 100 Qof Oo Rayid Ah Ku Dilay Rariga Dalka Burkina Faso

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Hore Farmaajo Oo Ka Warbixiyay Sabta Uu Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Sheegay In Ay Gacmo Shisheeye Sii Horinayaan Xiisada Kala Dhaxaysa Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff