Borama News Network

Baarlamaanka Puntland Oo Saciid Deni u Kordhiyey Muddada Magacaabista Golaha Wasiirada

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Saciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad  Maxamed Baari Shire iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shirguddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Puntland.

Kulanka maanta ayaa ajandihiisu waxa uu ahaa akhrinta codsi kordhin dhismaha Golaha Xukumadda iyo soo jeedinta warbixinta guddiga loo xil-saaray arrimaha deegaanka Sheerbi ee gobolka Karkaar.

“Xildhibaannada Golaha Wakiillada dowlad gobaleedka Puntland ayaa cod aqlabiyad ah Oggol ugu codeeyay codsi Madaxweyne, kaas oo ahaa in muddo 30 cishe la siiyo si uu u soo dhiso Golaha Xukummadda,” illaa February 28, 2024, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka codsaday Golaha Wakiilada, isagoo ka dalbaday in muddo 30 cisho ah loogu daro soo magacaabista Golihiisa Wasiirada.

Talaabadan oo ujeedadeedu tahay xaqiijinta wadatashi dhamaystiran, Madaxweyne Deni ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay waqti dheeri ah oo lagu soo dhameystiro dhismaha xukuumadiisa.

Codsiga muddo kordhinta ayaa ku soo beegmaya iyadoo Madaxweyne Deni uu wado dadaalo uu ku doonayo inuu ku soo dhiso golaha wasiirada cusub isagoo dhanka kale wada tashiyo ballaaran oo ku aadan magacaabista iyo jihooyinka siyaasadeed ee muhiimka ah.

Related posts

Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In La Xaliyay Khilaafkii Urur Siyaasadeedka Hilaac

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Trump oo u hanjabay kooxda Xamaas hadii ay siideyn weydo lahaystayaasha

Abdiaziz Bnnstaff

“Kuwa Dadka Caaya Ee Xukuumadda Difaaca Waa Mujaahidiin Soow Maaha Kuwa Ka Soo Horjeedana Waa Qaran Dumis Saw Maaha ? Suldaan Daakir Xasan Khaliif Oo Si Adag U Hadlayu

Abdiaziz Bnnstaff