Musharax Daahir Geelle Oo Ku Baaqay In Ay Sii Socdaan Wada-hadallada Rooble Iyo Musharixiinta

Muaharax Madaxweynaha Soomaaliya kana mid ah Midowga Musharixiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku baaqay in la siiwado wada-hadallada Midowga Musharixiinta & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa uu si cad u sheegay muaharax Daahir Geelle in aan fagaaro lagu xalin karin, hayeeshee ay muhiim tahay in Miis lagu xaliyo si looga gudbo arrimaha murugsan ee taagan.

“Annaga oo ka duuleyna mabda’eenna ah in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhamaato oo aan fagaara kale lagu xallin karin, waxaan soo jeedinaynaa in ay sii socdaan wadahadalladi Ra’iisalwasaare Mohamed Hussein Roble iyo Midowga Murashaxiinta, si arrimaha murugsan ee Soomaaliya xal waara looga gaaro ayuu yiri” Musharax Daahir Geelle.

Midowga Musharixiinta & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan yeeshay kulamo kala duwan, walow kulankii ugu dambeeyay uu kusoo dhamaaday natiijo la’aan

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Dawladda Soomaliya oo Soo Saartay Liiska Jaamcadaha ay Aqoonsantahay

Bnnstaff Bnnstaff

Ex Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Sheegay In Dalka La Geliyay Xaalad Adeg Farriina Diray

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka Oo Walaac Xooggan Ka Muujiyey Gantaal Cusub Oo Ay Tijaabisay Iiraan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More