Dowladaha Masar Iyo Suudaan Oo Dalbaday dhexdhexaadin

Dalalka Masar iyo Suudaan ayaa mar kale ku baaqay dhexdhexaadin caalami ah si loo soo afjaro muran muddo soo jiitamayay oo ku saabsan dhismaha biyo xireenka Itoobiya ee wabiga Niil oo labada dalba ay ka cabsi qabaan inuu saameyn ku yeesho biyahooda.

Baaqan ayaa yimid iyadoo Madaxweynaha Masar, C fataax Al-Sisi, uu booqanayo Suudaan markii ugu horreysay tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore, Cumar Al-Bashiir.

Waxay sheegeen inay ahayd in heshiis la gaaro ka hor inta aysan Itoobiya bilaabin marxaladda xigta ee buuxinta biyo xireenka bisha Juulay ee sanadkaan.

Balse Xukuumadda Addis Ababa ma rabto dhexdhexaadiyeyaal dheeri ah . khilaafkanna waxaa uu umuuqdaa mid sii cakariya xaaadda gobalka oo la daalaa dhacaya colaado iyo xasilooni daro.

Cabdul Fattax al-Sisi wuxuu kulamo gooni gooni ah laqaatay hogaamiyaasha rayidka iyo militariga ee Suudaan isaga oo kala hadlay in mowqif mideysan ay ka yeeshaan arrinta biya xireenka.

Masar iyo Suudaan waxay ku baaqeen wareeg cusub oo wadahadal ah iyada oo la ballaariyay koox dhexdhexaadin ah oo ay ku jiraan saraakiil ka socota Midowga Afrika, Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey .

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Nin Aabihi Ka Soo Dhacay 20 Kun Oo Dolar Iyo Faylashi Guryaha Iyo Beero, Oo Boolisku Ku Qabteen Wajale

Bnnstaff Bnnstaff

Daalibaan Oo Afar Saacadood U Qabtay Si Isku Soo Dhiibaan Ciidanka Ku Sugan Dooxada Banshiir

Bnnstaff Bnnstaff

Xaaladihii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Itoobiya Iyo Dowlada Oo Sheegtay In Ay Ciimado Tigrey Ahi Isku Soo Dhiibeen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More