Ciidanka Kenya Oo Xidhay Garoon Diyaaradeed Oo Ku Yaalla Gobolka Gedo

Wararka aan ka heleyno degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in Garoonka diyaaradaha ee ku yaalla degmadaas ay xireen Ciidanka dowladda Kenya ee AMISOM ee jooga halkaas.

Ciidanka Kenya ayaa dhagxaan farabadan ku xiray dhabbaha Garoonka Ceel-waaq ee cagga dhigtaan diyaaradaha halkaas ku dega, waxaana istaagay shaqooyinka Garoonka, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Dadka deegaanka Ceel-waaq ayaa Ciidanka Kenya ka dalbaday inay dib u furaan Garoonka ay dhagxaanta ku xireen, si dadka Gobolka Gedo ee abaarta heyso loo soo gaarsiiyo Gargaar deg deg ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Siyaasiyiin Soo Dhaweeyay Go’aanka Maxkamada Sare Kuna Dhawaaqay Urur Siyaasadeed Cusub

Bnnstaff Bnnstaff

vQarax Ka Dhashay Haan Gaas Oo Ka Dhacay Suuq Ku Yaalla Muqdisho Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Farmaajo Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Xildhibaanada Galmudug

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More