Saraakiisha Ciidanka Somaliya Oo Sheegay In Ay Isku Soo Dhiibeen Xubno Alshabaab Ah

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan guutada Uururka 14-aad ee guutada 14-ka Oktoober ee ku sugan Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada.

Laba xubnood oo isku soo dhiibay Ciidanka dowladda ayaa magacyadooda ku kala sheegay Isaaq Cumar Ibraahim, iyo Qaasim Cabdulaahi Cali, iyagoona tilmaamay inay u qaabilsanaayeen dhinaca amniyaadka ee fuliya dilalka qorsheysan.
Sidoo kale labada Nin ayaa xusay inay Go’aan ku gaareen ka bixista Al-shabaab, isla markaana kasoo tegay deegaankii ay ka howlgalayeen, kadibna ay xiriir lasoo sameeyeen Saraakiisha Ciidanka, sidaasina isku dhiibeen

Taliyaha Ururka 14-aad guutada 14-ka Oktoober ee Ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle Cabduqaadir Maxamed Muunye oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in labada xubin ee Al-shabaab kasoo baxsaday uga hortageen degaanka shalaanbood, ayna halkaas kasoo wadeen.

Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horey isugu dhiibay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, isla markaana soo bandhigay xubnaha qaarkood, weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan Saraakiisha la sheegay inay ka tirsanaayeen ee isku dhiibay Ciidanka dowladda.

Xafiiska Wararka BaramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madasha Xisbiyada Qaran Oo War Ka Soo Saartay Heshiiskii Madaxda Dowlada Fadaraalka Iyo Maamul Goboleedyada

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamada Soomaliya oo Lagu Wareejiyay Hub Laga Furtay Al Shabaab

Diyaarada Turkiga Ee Bayraqdar Oo Hub Cusub Lagu Rakibay Iyo Fooxisada Trump Oo Markii Ugu Horaysay Ducaysay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More