Rag Hubaysan Oo Burcad Lagu Sheegay Oo Lagu Qabtay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Muqdisho

Ciidanka amniga degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir iyo rag hubeysan oo burcad ayaa habeenkii xalay aheyd waxaa ay Israsaaseyn kooban ku dhexmartay xaafad ka tirsan degmadaas, waxaana laga helayaa faah faahin.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in markii hore ragga burcada oo ku hubeysnaa Bastoolad ay dhac ka geysteen xaafadda Horseed ee degmada Yaaqshiid, ayna goobta ka baxsadeen, hayeeshee ay ka war heleen Ciidanka amniga.

Intaas kadib howlgal lagu baadi goobayo raggaas ayaa waxaa sameeyay Ciidanka amniga, waxaana la sheegay in Ciidanka iyo burcada oo tiro ahaan gaarayay afar ruux ay dhexmartay Israsaaseyn khasaaro geysatay.
Ciidanka amniga dowladda ayaa gacanta ku dhigay laba kamid ah ragii burcada ahaa ee dhaca geystay iyaga oo dhaawac ah, halka labada kalena ay baxsadeen, waxaana Ciidanka ay ka qaadeen raggaas Telefoono gacanta oo dad kasoo dhaceen.

Dadka deegaanka degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegeen inay jiraan rag burcad ah oo ku hubeysan Bastoolado oo xiliyada habeenkii ah dhac ka geysta xaafaddo ka tirsan degmadaa , isla markaana dadka ka qaada waxyaabaha ay wataan.

Si kastaba Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey sidaan oo kale loogu qabtay rag burcad ah oo dadka dhici jiray, iyadoona ay xusid mudan tahay in qaarkood burcada ay dileen Ciidanka dowladda Federaalka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Faransiiska Oo Xidhashada Cabaayadaha Ka Mamnuucay Gabdhaha

Bnnstaff Bnnstaff

Dagaal Ka Dhacay Jubbada Hoose Iyo Faah Faahin Laga Helayo Dagaalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Warbixin:- Noloshii Adkayd Ee Ay Shacabka Reer Falastiin Ku Noolaayeen Todobaadkii Hore

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More