Siciid Deni Iyo Axmed Madoobe Oo Maanta Ku Soo Waajahan Magaalada Muqdisho

Shirka u dhaxeeya Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa uu ka dhaco Muqdisho maalmaha soo socda.

Shirkaan ayaa waxaa hoggaaminaya Safaaradda Mareykanka iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ka dib markii uu ku fashilmay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday in codsigiisa la aqbalo.

Shirkan ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo aheyd halkii ay doorashada 8 February ka dhacday, waxaana in shirku ka dhaco meel ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, amnigeedana ay sugaan AMISOM wuxuu ka mid ahaa shuruudihii Puntland iyo Jubbaland ku xireen ka qeyb galkooda shirka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa Muqdisho imaanaya labada maalin ugu soo horeysa maanta llaa berri .

Amniga dadka qeybgalaya Shirka ayaa waxaa sugi doona Ciidanka AMISOM.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Madaxwayne Uhuro Kenyata

Bnnstaff Bnnstaff

Maxay Tahay Sababta Uu Ruushku U Doonayo In Uu Uqabsado Dalka Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

Sheekh Cabdi Xayi” Aniga Oo Masaajid Qudbad Ka Akhrinaya Ayuu Ii Soo Galay Nin Qori Wata”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More