Dhalin Yaro Soomaali Ah Oo Ku Biirtay Ciidamada Cirka Ee Dalka Itoobiya

Dhalinyaradii ugu horreysay oo deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ka soo jeeddo oo ku biirtay ciidamada cirka Itoobiya ee noqda Duuliye iyo Farsamayaqaan diyaaradeed ayaa tababrkooda billaabay.

Labadan dhalinyarada ah oo loo kala qatay Duuliye iyo Farsama yaqaan diyaaradaha ciidamada ayaa sheegay iney caqabado xagga qoyska iyo bulshadaba ay kulmeen balse ay ka gudbeen maadaamaa ay xiiseynayeen iney mar un helaan fursad ay cidamada cirka dalka Itoobiya kaga mid noqdaan.

Dhalinyaraduna waxay sheegeen fursadda iney ku heleen qoondo Soomaali ahaan loo siiyey kaddibna imtixaanka dugsiga duuliyanimada lagu qaaday oo ay ku guuleysteen.

Cadnaan Cali Ibraahim oo loo qaaday farsamaqayaqaan diyaarad ciidan oo la hadlay laanta afka soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in weligiisa uu ku haminayay in uu ku biiro ciidamada.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Barnaamijka Kaftanka Siyaasada Iyo Arimo Qosol Badan Oo Lagu Soo Qaatay

Bnnstaff Bnnstaff

Alshabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ciidan Oo Ku Yaala Duleedka Magaalada Kismaayo

Bnnstaff Bnnstaff

Raysale Rooble Oo War Kasoo Saaray Senatorada Maanta Lagu Doortay Magaalada Kismaayo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More