Dowlada Somaliya Oo Shaacisay In Ay Baadhayso Weerarkii Gantaalada Ahaa Ee Xarunta Xalane

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adeg u Cambaareysay weerarkii Al-shabaab duhurnimadii shalay ku qaadeen Xerada Xalane ee ku dhex taalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magalaada Muqdisho, weerarkaas oo khasaaro geystay.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid lagu doonayay in lagu wiiqo taageerada muuqata ee bulshada caalamka iyo dadaalkooda ku aaddan dhismaha nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay inay kor u qaaday feejignaanta amni, iyadoo baaritaan dhammeystiran ku sameynaysa weerarkan hoobiyayaasha ah ee lagu qaaday Xerada Xalane iyo duruufaha amni ee ku xeeran weerarkan.

“Qorsheyaasha mideysan ee geesinimada leh ee shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku wajahayaan argagixisada laguma weecin doono ficilladan fuleynimada ah ee ay soo maleegeen argagixisadu, sidoo kale kama niyad jabinayaan walaalaha iyo saaxiibada Soomaaliya inay sii wadaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin dalkeenna” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Dowladda.

Ugu dambeyn Qoraalka ayaa waxaa bulshada iyo Beesha Caalamka loogu caddeeyay in dowladda Fedeeraalka ay sii wadi doonto la shaqeynta daneeyayaasha ammaanka si loo xaqiijiyo badqabka samafaleyaasha caalamiga ah.

Laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku dhaawacmay weerarka Al-shabaab, isla markaana waxaa ku burburay xafiisyo, waxaana madaafiicda qaarkood ay ku dhaceen gaadiid, sida lagu arkay Sawiradda la faafiyay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasaarada Caafimaadka Somaliland Oo Sheegtay In Dhawaan La Soo Gaadhsiin Doono Talaalka Covid 19

Bnnstaff Bnnstaff

Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbig Wadani Iyo Shacabka Magaalada Borama Oo Ka Dareen Ciyaya Doorashadii Maayirka Borama

Bnnstaff Bnnstaff

Ruushka Oo Soo Saaray Fariin Ku Socota Dowladda Somalia Iyo Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More