Rakaab Laga Soo Celiyey Garoon Diyaaradeed Iyo Sababta Keentay Oo La Shaaciyay

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Shaqaalaha Karantiilka ee Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee magaaladda Qaahira ay u diideen saddex Rakaab oo ka yimid Suudan inay siiyaan oggolaanshaha ay ku joogi lahaayeen dalkaasi.

Rakaabkaasi oo kala ah 2 u dhalatay Suudan iyo Muwaadin Sacuudiyaan waxaa dib loogu celiyey Diyaaradii ay ka soo raaceen Garoonka magaalladda Khartoum.
Wararku waxay sheegayaan in aysan Rakaabkaasi wadanin Waraaqaha Caddaynta Tallaalka ee Qandhada Hurdiga ee laga qaado Qaniinyada Kaneecada (vaccination certificates against Yellow Fever).

Dhakhaatiirta baaritaanka ee Garoonka Qaahira waxay la yaabeen 4 rakaab oo dalal kala duwan ka soo jeeda, kuwaasi oo aan wadanin Warqadda Caddaynta Tallaalkaasi.

Mid ka mid ah Rakaabkaasi waxa uu oggolaaday in la karantiilo, halka 2 Sudanese iyo mid Sacuudiyaan ah oo ka yimid magaalladda Khartoum ay ka biyo-diideen in la karantiilo, taasi oo sababtay inay Maamulayaasha Garoonka go;aansadaan in Rakaabkaasi dib loogu celiyo Diyaaradii ay ka soo raaceen magaalladda Khartoum oo aan weli ka hinqanin Garoonka Qaahira.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Turkiga Oo Xabsiga Dhigay 128 Qof Oo Ay Ku Jiraan Saxafiyiin Kurdi Ahi

Bnnstaff Bnnstaff

Dad Shacab Ah Oo Cadhaysan Oo Xoog Ku Galay Dhismaha Aqalka Capitol

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Xaalada Colaadeed Ee Dalka Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More