Madaxwayne Deni Oo Kulan Deg Deg Ah La Qaaatay Golihiisa Wasiirada Iyo Arimaha Laga Wada Hadlay

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland e Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Boosaaso, ayaa Shir-Guddoomiyey kulan uu xalay la qaatay xubnaha Golaha Wasiirada ee ku sugan Boosaaso.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Amniga Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland iyo dardargelinta howlgalada amni ee ka socda Gobolka.

Sidoo kale Madaxeyne deni ayaa saraakiisha amniga faray in ay ka hortagaan weerarada Al-Shabaab iyo Daacish ay ka fuliyaan qeybo ka mid ah gobolka Bari, isagoona sheegay in ay muhiim tahay in la kordhiyo howlgalada ka dhanka Al-Shabaab iyo Daacish.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland iyo shacabkeeda ay ku jiraan heegan buuxa, islamarkaana ay diyaar u yihiin sidii Al-Shabaab iyo Daacish looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Bari.

“Maamulka Puntland iyo shacabkeeda ayaa ku jira heegan buuxa, Iyadoo loo guntaday sidii argagixisada looga sifeyn lahaa guud ahaan Puntland.” Ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

Dhawaan ayay aheyd markii dagaalameyaasha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, kaasi oo ay Al-Shabaab ka sii daayay maxaabiis gaaraya ku dhawaad 300 oo qof ah

10-kii sano oo udanbeeysay ayaa buuraha Galgala ee u dhaw magaalada Boosaaso waxaa ku dagaalamayay ciidammada Puntland iyo kuwa Al-Shabaab, iyadoo mararka qaarna ay Shabaabku weerraro ka geeeystaan magaaladaasi.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Ila Wareedyada Dalka Khalkhaliyay Waxa Ka Mid Ah Social Media-yaha ” Wasiir Saleebaan Cali Koore

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Qaabilay Wafti Ka Socda Midowga Yurub Iyo Dalka Uk

Bnnstaff Bnnstaff

Deg Deg:- Madaxwayne Muuse Biixi Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More