Maxay Ka Wada Hadleen Axmed Madoobe Iyo Safiirka Mareykanka?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay danjiraha Dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa uu ahaa mid xasaasi ah oo ay kaga hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan maraxaladda siyaasadeed ee dalku marayo.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arimaha Doorashada iyo sidii beesha caalamku ay qeyb uga qaadan lahayd sidii Doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhici lahayd.

Beesha caalamka ayaa wadda dadaallo ay ugu jirto sidii mas’uuliyiinta Dowladda dhexe iyo midowga musharixiinta la isugu soodhawyn lahaa, waxana sidoo kale jiro khilaaf u dhexeeya Madaxweynayasha Jubbaland iyo Puntland, khilaafkaas oo ku aaddan arrimaha doorashooyinka dalka ka dhici doona.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Mucaaridka Somaliland Oo Madaxwayne Biixi Ku Eedeeyay Dastuur Jabin Sheegayna In Uu Mutaysan Karo Maamuus Ka Xayuubin

Shah Rukh Khan Oo Loo Haysta Haween Caan Ahayd Oo Dhimatay Iyo Sababta Loogu Haysto

Bnnstaff Bnnstaff

Afhayeenka Xisbiga Wadani Oo Ka Warbixiyay Waxyaabihii Ka Soo Baxay Shirkii Hogaanka Xisbiga Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More