Dowladaha Mareykanka Iyo Itoobiya Oo Ku Kala Qaybsamay Dhacdadii Galbeedka Tigray

Xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa tilmaamay in “ciribtir qowmiyadeed” uu ka socdo Galbeedka Tigray, waxaana uu sheegay in xaaladda gobolkaas ay tahay mid aan la aqbali karin.

Blinken oo hortegay guddiga arimaha dibedda u qaabilsan Congress-ka ayaa sheegay in loo baahan yahay in gobolka Tigray laga saaro xooggaga Eritrea iyo kuwa deegaanka Amxaarada, laguna bedalo “ciidamo aan tacaddiyo ka geysan doonin gobolkaas.”
Xoghayaha ayaan faahfaahin waxa uu ula jeedo ciidankaas, iyadoo qaar kamid ah xubnaha guddiga ay weydiiyeen in loo baahan yahay in hawlgal nabad ilaalin ah loo diro gobolka Tigray.

“Dhibaatada ka taagan Itoobiya ayaa ah mid weyn. Si dhaw ayaan ula soconaa, gaar ahaan xaaladda Tigray, halkaas oo laga soo sheegay tacaddiyo baahsan oo ka dhan ah shacabka,” ayuu yiri Blinken.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ingiriiska Oo Ka Digay Haweeney Basaas Ah Oo Ku Dhex Milantay Baarlamaan Dowladeed

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Somaliya Iyo AMISOM Oo Ka Shiray Qorshaha Ay Ciidanka Somalia Kula Wareegayan Amniga Dalka

Bnnstaff Bnnstaff

Turkiga Ma Wuxuu Donayaa In Uu Dhexdhexaadiyo Abiy Ahmed Iyo TPLF?

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More