Dowladaha Somaliya Iyo Talyaaniga Oo Heshiis Cusub Kala Sexeexday Iyo Nuxurka Heshiiskaasi

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyley ayaa maanta magaalada Muqdisho kula saxiixday danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi heshiis ku saabsan geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa daba socdaya go’aankii dalalka ku bahoobay Paris Club ay Soomaaliya ka saamaxay 1.4 Bilyan oo deyn ah sanadkii hore ee 2020.

“Waxan u mahadcelinayaa safiirka dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya mudane Alberto Vecchi oo si gaar ah nagala shaqeeyay saxiixa maanta in noo suuro galay,” ayuu yiri wasiirka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaalo badan ku bixinaysa sidii deynta tirada badan oo ay ku leeyihiin dalalka iyo hey’adaha maaliyadda caalamka looga cafin lahaa dalka , iyadoo kaashanaysa IMF iyo Bankiga adduunka.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Farmaajo Jawaabtisu Waa Tii Sool Iyo Sanaag Ay Doorashada Somaliland Kaga Qayb Galayaan” Abyan

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumada Muuse Biixi Oo Faahfaahin Ka Bixisay Xayiraada Haayadaha Qaramada Midoobay

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Galmudug Oo Si Cadho Leh Uga Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Puntland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More