Golihii Deegaanka Ee Magaalada Boosaaso Oo La Kala Diray Iyo Sobobta

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 11 ku kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123-aad, farqaddiisa 4-aad.

Markuu arkay: Xeerka Maamuulka Degmooyinka iyo Gobolada (Lr 7) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad farqaddiisa 5-aad

Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Go’aanka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala diridda Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Sheekh Cabdilaahi Cali Jawhar Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Xamse “Weli Baarisbaa Ku Socota Askarta Iyo Saraakiisha Loo Xiray Weerarkii Villa Rays”

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasi Warancade Oo Eedaymo Kulul Ujeediyay Madaxwaynaha Dowlada Somaliya Fariina Diray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More