Sidda uu xaqiijiyay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Golaha Amaanka ee qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay saacaddaha soo socda kulan ka yeeshaan xaaladda Soomaaliya ee murugsan.
James Swan Ergayga gaarka ah xoghayah guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu wadaa in warbixinadii ugu dambeeyay ee dadaalada qaramada Midoobay u gudbiyo shirka.
Golaha ammaanka ayaa xoogga saaraya sidii loo qaban lahaa Doorashooyinka Soomaaliya muddo gaaban si xasiloon oo ay wada-ogol yihiin Madaxda Federaalka & Dowlad Goboleedyada oo gacmahooda ku saxiixay 17-ka September 2020.
Fadhiga Golaha ammaanka oo ku qabsoomaya Muuqaalka Fogaan-aragga waxaa dhankooda la dhageysnayaa danjirayaasha wakiilka ka ah 5-ta dal ee joogtada ah iyo 10-kale ee ku yimaada Doorashooyinka si xog-uruurintooda gaba-gabada kulanka loogu soo daro Warsaxaafadeedka ku xusan natiijada kulankaas.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com